Madaxweynaha Galmudug oo dib ugu laabtay Dhuusamareeb.

61

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gelinkii dambe ee maanta dib ugu laabtay magaalada Dhusamareeb ee caasimadda Dowlad Goboleedkaas.

Xubno uu horkacayay Madaxweyne Ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid iyo xubno ka tirsan labada gole ee Dowlad Goboleedkaasi ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka diyaaradaha Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Madaxweyne Qoor ayaa maalmihii uu muqdisho ku sugnaa kulamo kale duwan la qaatay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya, iyadoo la sheegay in uu qorsheenayo in Galmudug ay ka bilaabato Kuraasta doorashada Golaha Shacabka ee BFS Kasoo galaya Dowlad Goboleedkaasi.