Booliiska oo soo bandhigay Maandooriye ay soo qabteen, digniina diray

46

Taliska Booliiska Soomaaliya ayaa soo bandhigay waxyaabaha Maanka dooriya oo ay ku soo qabteen howlagllo ay maalmihii la soo dhaafay ka sameeyeen magaalada Muqdisho.

Howgalka si gaar ah uga dhacay degmooyinka Yaaqshiid, Shibis iyo Kaaraan ee gobolka Banaadir ayaa waxaa ay Booliisku sheegeen in ay ku soo qabteen jawaano maandooriyaha nuucyadiisa kala duwan.

Afhayeenka Booliiska ayaa sheegay in maandooriyahan aan la maleysaneyn tiradooda in ay yaaleen magaalada Muqdisho, kuwaasi oo isugu jira Khamri, Xashiish iyo Cirbadaha xanuun baab’iyaha ah.

Sidoo kale, Afhayeenka ayaa digniin adag u diray dadka ka ganacsada waxyaabaha Maanka Dooriya oo maalmahan aad ay u kordheen dhalinyarada iyo dadka is-ticmaala.