Madaxweynaha Hirshabeelle oo dib maanta ugu laabtay Jowhar.

44

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlawe Xuseen (Guudlaawe) isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo waxaa ay dib ugu laabteen Magaalada Jowhar ee Caasimada Maamulkaas, kadib muddo uu ku sugnaa muqdisho.

Madaxweynaha waxaa safarkiisa ay ku wehlinayay Wasiiro, Xildhibaanno iyo Mas’uuliyiin kale, iyadoo garoonka diyaaradaha ee Maxamed Dheere ay kusoo dhaweeyeen Guddoomiye Ku-Xigeenka Baarlamaanka Mahad Cusmaan. Wasiiro, Xildhibaanno, Saraakiisha Ciidamada Hay’addaha Amniga, Boqolaal dadweyne ah iyo Mas’uuliyiin kale.

Cali Guudlaawe ayaa wado qorshe uu kulamo uu kula qaadanayo Waxgaradka, Saraakiisha Ciidamada iyo Guddiga Doorashada ee Hirshabeelle, isagoo kala hadli doona arrimaha doorashooyinka gaar ahaan tan Golaha Shacabka iyo sidii loo dardargelin lahaa.