Xaflad lagu furayey Dhismaha Machadka Culuunta Shareecada iyo Luqadda Carabiga oo lagu Qabtey Magaalada Baardheere.

19

Dhismaha Machadkani lagu Baranayo Cullunta Shareecada iyo luqadda Carabiga ayaa furitaankiisa waxaa ka soo qeyb galey Boqolaal dadweyne ah oo ka kooban Qeybaha kale duwan ee Bulshada ku dhaqan Magaalada Baardheere.

Dhismaha Machadkan oo ay wax ku baran doonaan Boqolaal ardey ah oo isugu jira Wiilal iyo Gabdho ayaa waxaa degmada ka  hergeliyey Alrahmah Foundation for Education and development,waxaana Kharashka ku baxay bixiyey Raabidada macaahidda Shareecada Soomaaliya,iyagoona  lacagta ka helay qof Samafale ah.

\Machadka oo ka kooban Masjid jaamic ah oo qaado ilaa 300 oo qof, fasalo lix ah, xafiisyo labo ah iyo 5 musqulood iyo dabcan barxaddii Machadka,waxaana xafladii lagu furayey Machadka ka soo qeyb galey, Sheekh Saalax Maxamuud Yuusuf oo ah maamulaha guud Machadka Al-Sunnah ahna aasaasaha machadka kana mid ah mas’uuliyiinta raabidada macaahidda sharciga.

Sidoo kale Waxaa xafladda ka hadlay Qaar ka mid ah Odayasha deegaanka, culimo, waalidiin iyoXubno kale Culimo ah oo ka tagey Magaalada Muqdisho,kuwaasi oo matalayey Mu,asasada Alrahmah iyo Raabidada Macaahidda ee Soomaaliya.

Uga dambeyntii Maamulka Machadka ayaa waxay Shahaadooyin Mahad naq ah gudoonsiiyeen Mas’uulka Raabidada oo ah Sheekh Saalax iyo Sheekh Maxamed Aden Waadi oo ah Gudoomiyaha Fulinta Alrahmah.

Axmed Cumar Saalixi

Baardheere/Gedo