Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka oo sheegay in la hubiyo nidaamkii lagu soo xulay Ergada.

32

Guddoomiyaha Ururada Bulshada Rayidka Cismaan Muxudiin Shaatax ayaa ugu baaqay dowladda inay qaataan baaqyada lagu saxayo muranka doorashada Soomaaliya.

Guddoomiyaha waxa uu sheegay in muhiim ay tyahay in si waafaqsan habraacyada loo marro hanaanka loo soo xalayo 5 xubnood ee odayaasha dhaqanka iyo bulshada rayidka ka kooban yihiin.

Sidoo kale waxa uu tibaaxay in la hubiyo in nidaam saxan loo maray wadiiqooyinka ergada loo soo xulayo.

Talo ahaan waxa uu u jeediyay Cismaan Muxudiin Shaatax in la kala saaro kuraasta haweenka kaliya ay ku tartamayaan oo aan wali kala cadeyn taas oo keeni karta in sii balaarto muranka iyo cabashooyinka loo taag la’yahay.

Weli waxaa taagan saluug badan oo laga muujinayo qaabka ay ku bilaabatay doorashada golaha shacabka, iyada kuraasta qaar ay isku heystaan jufooyin wax wadaag ah oo saluugsan sida wax loo maareenayo.