Ciidanka xoogga dalka oo howlgal ka sameeyay Gobolka Gedo

60

Ciidanka xoogga dalka  Soomaaliyeed Guutada 10aad qeybta 43aad ayaa  hawlgal ka dhan ah Ururka Al-Shabaab waxaa ay ka sameeyeen deegaano hoos taga degmada garbahaarey ee Xarunta gobolka Gedo.

Howlgalka oo ahaa mid amniga lagu xaqiininayay ayaa Ciidamada waxaa ay sigaar ah uga sameeyeen degaannada kala Fardhanaan,  kalaxdarseey iyo degaannada badan oo 20km u jira degmada Garbahaareey, halkaas oo mararka qaar lagu arko Xubno ka tirsan Al-Shabaab.

Taliyaha howlgelinta guutada 10aad qeybta 43aad Dhamme Cabduqaadir Xuseen Shire ayaa sheegay in intii ay kujireen howlgalka degaannada qaar ku arkeen dad ay saameysay abaarta, wuxuuna ugu baaqay Maamulka degmada Garbahaareey & Hay’adaha samafalka inay gurmad la soo gaaraan dadkaas.

Dhinaca kale Taliyaha guutada 10aad ee qeybta 43aae Warfaa Sheekh Aadan Faroole oo howlgalka faah faahinayay ayaa sheegay in howlgalka uu si mabad ah ugu soo dhamaaday, balse ay la kulmeen dad abaar daran ay saameysay.

Degmada Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa waxaa ay kamid tahay Goobaha lagu qabanayo doorashada Golaha Shacabka ee degaan doorashadoodu tahay Jubbaland.