Qarax ay waxyeelo kasoo gaartay Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle oo ka dhacay Jowhar.

57

Waxaa ay faah-faahino kasoo baxayaan Qarax khasaaro dhimasho iyo dhaawac badan dhaliyay oo ka dhacay goordhow magaalada Jowhar ee caasimadda Maamulka Hirshabeelle.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu ahaa Miinada nuuca dhulka lagu aaso, waxaana uu si gaar ah ugu dhacay maqaayad ku taalo xaafadda Kulmis oo ay fadhiyeen dad iskugu jiray shacab iyo xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle.

Goob-joogayaal ayaa sheegay in uu jiro khasaaro dhimasho ah oo soo  gaaray hal ruux oo shacab ah, halka dhaawacyada ay yihiin seddex ruux oo shacab ah iyo  xildhibaan Cumar Gaabow iyo Yuusuf shaacir oo ka wada tirsan Baarlamaanka Hir-shabeelle.

.Lamaha amniga oo goobta gaaray aya wada howlgalo lagu xaqiijinayo amniga iyo cidii ka dambeysay qaraxsi lagu weerary goobta ay fadhiyeen xildhibanada iyo dadkii shacabka ahaa.