Hirshabeelle oo war kasoo saartay qarax lala beegsaday xildhibaano

56

Guddoomiyaha Baarlamanka Dowlad Goboleedka Hirshabelle Dr Abdulhakim Lukman Haji Mohamed ayaa Cambaareyay Qarax lala beegsaday xildhibaano iyo shacab ku sugnaa goob ay dadka iskugu yimaadan ee caasimada Hirshabelle ee Jowhar

Guddoomiyaha ayaa Falkaasi ku tilmaamay mid argagaxisinimo waxuuna caafimad deg deg Alle uga rajeyay intii waxyeelada kasoo gaartay oo ay kamid yihiin Xildhibaano katirsan Hirshabelle

Ugu dambeyn Gudoomiye Lukman wuxuu Hay’adaha Amniga Faray iney qaadaan talaaboyin deg deg ah oo lagu xakameynayo falalka argagaxida geysanayaan sidoo kalena wuxuu hay’adaha Amniga ku booriyey iney Gacanta kusoo dhigaan kuwii kadambeeyay weerarka argagaxida.

Inta la xaqiijiyay hal qof ayaa dhintay, waxaa sidoo kale ku dhaawacmay Shan ruux oo ku jiraan labo Xildhibaan.