Duqa Muqdisho Oo Kulan Isla-Xisaabtan Ah La Yeeshay Guddoomiyeyaasha Degmooyink

52

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta kulan gaar ah oo isla-xisaabtan ah la qaatay maamulada degmooyinka iyo deegnada Gobolka Banaadir kaas oo ka dhacay xarunta aqalka dowlada hoose ee Xamar.

Kulankan oo uu goob joog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir Cali Cabdi Wardheere ayaa qodobada looga hadlay waxaa kamid ahaa sugida nabadgalyada iyo la dagaalanka isticmaalka maandooriyaasha.

Kulanka ayaa waxaa kaloo looga hadlay ka hortaga rabshadaha, dib u furista wadooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ee sida sharcidarada loo dhistay, Kor u qaadista Nadaafada Magaalada iyo isku xirka degmooyinka.

Afhayeenka Maamulka Gobolka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay Maamulka Gobolka iyo Taliska Booliska ay isla garteen in la sameeyo hoggaan gaar ah oo la dagaalama maandooriyaasha iyo rabshadaha dhaca..

Ugu dambeyn Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray waalidiinta Carruurtooda dhibaatada ku haaya shacabka inay ka celiyaan falalka xun, isagoona intaas kusii daray in dhawaan la bilaabi doono howlgalo lagula dagaalamayo kooxaha isticmaala maandooriyaasha iyo kuwa ku hubeysan Mindiyaha, lagana qaadi doono tallaabo adeg..