Soomaaliya oo Maanta la soo gaarsiiyay Deeq Daawo ah

37

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa maanta Deeq isugu jirta Qalab iyo Daawo ka guddoontay Hay’adda Samafalka ee Cuman (Oman Charitible Organization).

Deeqdan ayaa si toos ugatimid Boqortooyada aan Walaalaha nahay ee Saldanada Dalka Cuman taasoo oo ay ugu talagaleen Inay kaga qeybqaataan kajawaabida Caabuqa Covid-19 iyo taakuleynta Shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka ee Soomaaliya HE. Dr. Fawziya Abiikar iyadoo ku hadlaysa magaca Dowlada iyo Shacabka Soomaaliyeed waxay si weyn u bogaadinaysaa kaalmada katimid Saldanada iyo Shacabka Cumaan ee Walaalaha nahay.