Dowladda Somalia oo shaacisay kiisas cusub oo COVID-19 ah

24

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya ayaa xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in asbuucii u dambeeyay laga baaray COVID-19 guud ahaan wadanka: 4,792,  balse la diiwaan geliyay 23 xaalado cusub oo COVID-19 ah, kuwaas oo laga diiwaangeliyay Muqdisho & Gobolada dalka.

Dadka Cudurka laga helay ayaa waxaa ay kala joogaan, Puntland 10 Ruux, Gobolka Banaadir lix qof, jubbaland 4 Ruux iyo Somaliland oo laga diiwaangeliyay min  3 Ruux.

Sidoo kale War kasoo baxay Wasaaradda ayaa waxaa lagu sheegay in dadka cudurka laga helay ay kala yihiin  13 Rag ah iyo 1o Dumar ah, halka cudurka ay u geeriyoodeen 2 Ruux degaannada Somaliland, iyada oo ay ka bogsadeen 4.93

Guud ahaan Cudurka safmareenka ah ee COVID-19 ayaa waxaa Soomaaliya laga diiwaangeliyay 12,817 xaaladood 1,333 dhimasho ah, halka ay ka bogsadeen 12,817, kuwaas oo ku sugan Magaalada Muqdisho & Gobolada dalka.

Wasiirka Wasaaradda caafimaadka Xukuumadda xilgaarsiinta Marwo Fowsiya Abiikar Nuur ayaa ku baaqday in dhammaan shacabka Soomaaliyeed ay qaataan talooyinka caafimaad ayna dhaqan geliyaan tillaabooyinka lagu xakameynayo COVID-19, si guul looga gaaro dadaallada sare loogu qaadayo bed-qabka bulshada.