Ciidamo ka wada tirsan Dowladda oo ku dagaalamay degmada Hiliwaa

24

Dagaal culus oo  u dhaxeeya ciidamo ka tirsan Booliiska Soomaaliyo iyo Miltariga Soomaaliya  ayaa maanta ka dhacay agagaarka  xaafada Waxar Cadde degmada Hiliwaa ee gobolka Banaadir.

Dhawaqa rasaasta ayaa laga maqlay xaafadaha ka agdhow goobta ay  dagaalamayaan ciidamada ka wada tirsan dowladda Soomaaliya.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii ciidamo ka tirsan Booliiska degmada Hiliwaa ay ku baxeen ciidamo Militeri ah oo ku suganaa guryo lagu muran sanaa.

Waxaa jira khasaare ka dhashay dagaalka, kaasi oo soo kala gaaray dhinacyada wada dagaalamey, mana jiro tiro rasmi ah oo la soo wariyay.