Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka digay in si khaldan loo isticmaalo diyaaradaha ay Turkiga keentay Soomaaliya

31

Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ka tirsan Xubanaha Mucaaradka ayaa sheegay in dowladda Turkiga ay soomaaliya keentay Diyaarado Drones ah, xili uu dalka ku jiro xaalad kala guur ah, islamarkaana doorashooyinkii Soomaaliya  uu si weyn dib u dhac ugu yimid.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa  ka digay in diyaaradahaan droneska  loo isticmaalo qaab aan ahayn la dagaalanka Al-shabaab, wuxuu sheegay in Safaaradda Turkiga ee muqdisho ay kala hadli doonaan arrintaan iyo waxa xiligaan kusoo beegay maadama Muddo Xileedkii sharcigaa uu dhammaaday Hay’addaha Dowladda Federaalka.

Wuxuu xusay in Drones ka Turkiga Soomaaliya keentay ay sabab u noqon karaan in dagaal sokeeye oo dalka ka qarxo, isagoo tusaalo usoo qaatay wadamo dariskeena ah oo Drones ka isku adeegsaday, isagoo sheegay in dulmiga siyaasiga kaliya uusan ku dhaceyn balse uu saameyn ku yeelanayo qalalaaso dalka ka dhaca, midka ka ganacsadaha ah iyo kan ardaga ahba.

Hadalka Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa imaanaya, iyadoo Hay’adda NISA ay sheegtay in dhawaan ay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ku qabatay diyaarado Drones ah, kuwaas oo markii dambe uu sheegtay Xildhibaan Zakariye Maxamuud Xaaji Cabdi, isagoo sheegay in diyaaradahaan uu dalka u keensaday waraabinta Beeraha iyo la dagaalanka Cayayaanka heebaaba Beeraha.