Askari dilay Hooyo korineysay sagaal carruur oo agoon ah

26

Askari ka tirsan ciidanka dowladda ayaa Haweeney la sheegay in ay korineysay 9 carruur ah ku dilay degmada Dharkinlay ee gobalka Banaadir.

Hooyadan oo lagu magaabi jiray Faadumo Cali Cismaan oo ku magac dheer ( Faay Beeso) ayaa daganeyd xaafadda Xoosh, iyada oo daris dhow la aheyd askariga dilay.

Dilka Hooyadan ayaa yimid ka dib markii uu muran soo kala dhexgalay iyada iyo Askariga, waxaana ay damacsaneyd in ay ku dacweyso Talyahiisa, taasi oo uu askariga ka carrooday