imaaraadka Carabta u fadhiya dalka kala hadlay Abaaraha kajira Soomaaliya.

67

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada faderaalka soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa qaabilay danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman

Ra’iisul Wasaaraha iyo danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta ay ka wada hadlay xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dal ee walaalaha ah iyo sidii dowladda Imaaraadku qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa Danjire Maxamed Axmed Alcuthman kala hadlay sidii dowladda Imaaraadka Carabta qeyb uga qaadan lahayd gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaaruhu saameeyeen.

ugu dambeentii danjiraha Dowladda Imaaraadka Carabta u fadhiya Soomaaliya Mudane Maxamed Axmed Alcuthman ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble sida uu u qaabilay, isaga oo u cadeeyay inay wadi doonaan dadaalkooda ku aadan xal u helida mushkilada ka taagan Soomaaliya.