Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo la horkeenay Afar Askari

67

Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa Maanta waxaa u fadhiisatey dhageysiga dacwad lagu soo oogey Ciidamo ka tirsan xoogga dalka gaar ahaan Qeybta 60aad.

Afartan Askari ayaa lagu kala Magacaabaa Dable Xoogga Cali Aadan Isxaaq ( Adan Ali Boon) Dable Cabdullahi Maxamed Maxamuud, Dable Sheegow Macalin Yare Maxamed iyo Dable xoogga Maxamed Nur Adan Diiriye .

Askartan Eedeysaniyaasha Dhageysiga Dacwadooda u fadhiisatey Maxkamada ayaa lagu Eedeyey Amar Diido , Kasoo tagid Goobta Shaqada , ku dhex Faafinta Ciidanka Dhexdooda Qabyaalada iyo Anshax Xumo.

Guddoomiyaha Maxkamadda Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka Sida Qeybta 60aad ayaa sheegay in eedeysanayaashaan dacwadooda dhawaan go’aan laga soo saari doono.