Dowladda Soomaaliya oo ku baaqday Salaad roobdoon ah

45

Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed ugu baaqday in la sameeyo salaad roob doon ah iyo sidoo kale in la soomo muddo afar maalin ah.

Wasiirka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya  Cumar Cali Rooble iyo Culimada u diinka Soomaaliyeed oo shacabka la hadlaayay ayaa ku baaqay in la is cafiyo iyagoo Illaah ka baryay inuu shacabka ka dulqaado abaarta.

Sidoo kale waxaa uu islaamiyay Wasiirka  in Maalinta Jimcaha gelinka hore saacadu marka ay tahay 9:00 Subaxnimo in la dukado Salaad roobdoon ah goobaha ay u steeyaan maamulafa kajira degmooyinka iyo Gobolada dalka.

Warkaan kasoo baxay Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Soomaaliya ayaa kusoo aadaya  xilli meelo badan oo kamid aj dalka ay xiloigaan kajiraan abaaro baahsan.

Dowladda Soomaaliya ayaan weli gurmadkii loo baahnaa gaarsiin degaannafa iyo degmooyinka ay kajiraan abaaraha, halka hay’adaha gargaarka ay ka gaabiyeen u gurmashada dadkaas.