Mareykanka iyo Dowladdo dhowr ah oo Taalibaan ugu baaqay iney joojiso dilalka qorsheysan.

38

War kasoo  baxay Mareykanka iyo dalal badan oo xulafo la ah ayaa baaq loogu diray Taliban kaas oo ku aadan iney joojiyaan dilalka qorsheysan ee loo geysanayo xubno hore uga tirsanaan jiray ciidamada Boliiska iyo kuwa ammaanka ee Dalka Afghanistan.

Warka kasoo baxay madaxda Mareykanka kuwa Yurub iyo 20 dowladood ayaa waxa ay kaga dalbadeen maamulka islaamiga ah ee Taalibaan in ay ixtiraamaan ballantii aheyd in aan la dhibaateyn dadkii la soo shaqeeyay dowladdi hore gaar ahaan madaxda ciidamada.

Hay’adda Xuquuqda Aadanaha ee Human Rights Watch ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay in la diiwaangeliyay in ka badan 100 dil iyo afduub loo geystay saraakiil hore oo ka tirsan dawladda Afgaanistaan tan iyo markii Taliban ay la wareegeen talada dalkaas ku dhawaad afar bilood ka hor.