Taliyaha Booliska Baladweyne Oo Beeniyay Warar Lagu Faafiyey Baraha Bulshada

23

Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan Laba Xidigle Maxamed Maxamuud  Rooble (Qoorsheel) ayaa beeniyay warar maalmihii lasoo dhaafay lagu faafiyey baraha Bulshada, ayna baahiyeen Warbaahinta qaar.

Taliye Qoorsheel oo la hadlay Maanta warbaahinta ayaa u sheegay in aan xilka laga qaadin oo uu weli yahay Taliyaha Booliska Baladweyne, isagoona beeniyay wararkii sheegayay in Taliyaha Booliska dowladda Jeneraal Cabdi Xasan Maxamed Xijaar uu xilka qaadis ku sameeyay.

Wuxuu sheegay Taliye Maxamed Rooble in shaqadiisa uu wato, isla markaana aysan jirin weli wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliye Xijaar oo xilka looga qaaday, sidoo kalena aan lagu bedelin Sarkaal lagu magacaabo Maxamed Xuseen  Maxamuud (Duurdege) oo ku sugan Muqdisho.

Taliyaha ayaa la sheegay in saacadihii lasoo dhaafay uu ka qeyb ahaa howlgalo amniga lagu xaqiijiyay ammaanka Magaalada Baladweyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, kaasi oo sameeyeen Ciidanka Booliska dowladda Federaalka iyo kuwa Hirshabeelle.

Saddex maalin kahor ayaa waxaa baraha Bulshada lagu faafiyay warar sheegayay in Taliyaha Booliska dowladda Federaalka uu xilka qaadis ku sameeyay Taliye Qoorsheel, isla markaana xilka Taliyaha Booliska Baladweyne loo magacaabay Maxamed Xuseen  Duurdege.