Puntland war kasoo baxay oo lagu hakiyay Gaadiidka Galaya Magaalada Boosaaso.

57

Xili ay weli taagan tahay xiisada Magaalada Boosaaso ee ka dhalatay Xilka qaadistii uu madaxweynaha Puntland ku sameeyey Agaasimihii hore ee Hay,adda PSF ta, ayaa waxa xalay hakad la geeliyey gaadiidka galaya Magaalada, marka laga reebo kuwaa kasoo baxaya oo iyaaga aan cidna celinayn, walow ay saakay wararku sheegayaan in la fasaxay Baaburta galeysa Boosaaso,

Talaabadan gaadiidka Boosaaso u socda lagu hakiyey Xalay ayaa kusoo aadeysa xili dhawaan ay maamulka gobolka Bari sheegeen in dhammaan xaafadaha magaalada ay ciidamadu hawlgal ka samayn doonan.

Dhinaca kale, waxa jira in Xarunta Gobolka Bari ee Boosaaso ay kusii qul-qulayaan Ciidamo fara badan oo ay Puntland halkaasi kusii daabuleyso.

Waxgaradka Gobolka Bari ayaa diray baaq u muuqday iney la safan yihiin dhinaca Madaxweynaha iyaga oo ku baaqay in si deg deg ah u wareejiyo Xilka Agaasimaha laga qaaday ee PSF ta.

Saraakiisha Hay,adda PSF ta, ayaan weli wax hadal ah ka soo saarin Baaqyada loo diraayo, waxaana weli ay ku adkaysanayaan in xilkaasi aysan wareejin doonin.

Tan iyo markii u madaxweyne deni xilka ka qaaday Agaasimaha PSF,ta, waxa cabsi badan dareemayey shacabka Magaalada Bosasso, halka shacabka qaarkood ay samaynayaan barakac.