Cumar Cabdirishiid oo ku beeraya kulamada Midowga Musharixiinta

62

Wararka ay heleyso Idaacadda Kulmiye ayaa sheegaya in Golaha Midowga musharaxiinta ay lagu wado in ay dib u bilaabaan kulamadoodii ay kaga hadlayeen xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo tan doorasho ee socota.

Midowga murashaxiinta ayaan yeelan wax kulan ah kaddib war-murtiyeedkii ay soo saareen dhawaan oo ay kaga hadleen sida ay doorashada golaha shacabka ku socoto kuna tilmaameen boob qaran oo dalka colaad sokeeye u horseedi kara.

Wararka aan heleyno ayaaa sidoo kale tilmaamaya in kulamada la filayo inay beri yeeshaan mucaaradka uu ku biiri doono reysal wasaarihii hore ee soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

Dadka qaar ayaa tibaaxaya in shirarka midowga musharaxiinta uu noqon doono  todobaadka soo socda wixii ka dambeeya mid aan loo kala kicin inta dalka loogu jiheenayo marxalada hubanti le uu ku jiro dalka.

Dhinaca kale, maalmihii ugu dambeeyay waxaa magaalada Muqdisho ka dhacayay kulamo ay yeelanayeen beelaha qaar oo looga arrinsanayay waxa laga yeelayo kuraas qaar oo doorashadooda la qabtay oo la sheegay in loo maray nidaam baalmarsan habraacyadii doorashada loo dajiyay.