Maamulka Gobolka Hiiraan oo si kulul uga hadlay weerarkii Carruurta ku dhinteen

64

Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan ayaa marka hore u taxsoyadeeyay qoysaskii ay ka geeriyoodeen Carruurtii xalay ku geeriyootay hoobiyihii ku dhacay Gurigooda oo kuyaalla Magaalada Beledweyne kadib weerarkii Al,Shabaab.

Waxaa uu sheegay guddoomiye Jeyte in Carruurtaasi si xaqdaro ah loo dilay, iyaga oo jiifo Gurigooda, wuxuuna ku eedeeyay inay ka dambeeyeen Ururka Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu uu ku eedeeyay Al-Shabaab inay mar walba dhibaateeyaan dadka Shacabka ah, isaga oo Alle uga baryay kuwa ku dhaawacmay weerarkii Beledweyne in Caafimaad siiyo.

Weerarkii xalay Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab ku qaadeen Magaalada Beledweyne ayaa Hoobiye ku dhacay Guri kuyaalla Magaalada Beledweyne ayaa waxaa ku dhintay Saddex Carruur walaalo ah halka laba kale ay ku dhaawacmeen.