Taliyihii Booliska Baladweyne Oo Xilkii Laga Qaaday Iyo Mid Cusub Oo La Magacaabay

89

Taliyihii Booliska Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa xilkii laga qaaday, waxaana la magacabay Taliye Cusub, kadib warqad kasoo baxaday taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Taliyaha Booliska Soomaaliya Cabdi Xasan Xijaar ayaa xilkii ka Qaaday taliyihii saldhiga Beledweyne Gaashaanle Mohamed Qoorsheel, waxaana uu magacaabay  Mohamed Hussein Mohamud (Duurdege), kaasi oo nqoon doona Taliyaha cusub ee Magaladaasi.

Taliyaha Cusub ee La magacaabay ayaa horay waxaa uu kaga soohwlgalay Hogaanka Ciidamada booliska,isagoo dhowr jeerna kasoo shaqeeyay sida la sheegay Gobolada Koofurta iyo bartamaha Soomaaliya.