Guddiga doorashooyinka Heer Federaal oo ku dhawaaqay baarista Kursiga HOP103

32

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro ayaa sheegay in ay dhawaan bilaabayaan baaritaanka kursiga HOP#103 oo tabashada ka timid, kaas oo dhawaan sheegay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Cismaan Jawaari loo diiday in uu u tartamo.

Wuxuu hadalkiisa uu intaasi ku daray in ujeedkooda ugu weyn ay Baydhabo u tageen ay tahay inay dib u eegis igo baaritaan ku sameeyaan kuraasta ay cabashada ka timid, si xal looga gaaro.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal Maxamed Xasan Cirro wuxuu sheegay in Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed lafatagareen ay kala hadleen sidii wax loiga qaban lahaa cabashooyinka, isla markaana doorashooyinka u noqon lahaayeen kuwo daah furan.

Doorashooyinkii Golaha Shacabka ee ka kala dhacay Magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Baydhabo ayaa waxaa ka timid cabasho xoogan kadib markii laga reebay dad doonayay inay kuraasta qaar u tartamaan.