RW Rooble oo la Madaxda D/goboleedyada kala hadlay Cabashada ka taagan Doorashada

33

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa caawa guddoomiyay kulan ay habka fogaan aragga ku yeesheen Golaha Wadatashiga, kaasi oo looga hadlay Cabashada ka taagan Dooraahada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxda Golaha Wadatashiga ugu baaqay in ay lagama maarmaan tahay doorashadu noqoto mid daahfuran oo lagu qanci karo, isagoo madasha u gudbiyay walaaca iyo cabashooyinka la xiriira doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay dowlad-goboleedyada bilaabay doorashada Golaha Shacabka, isagoo ka codsaday kuwa harsan in ay sida ugu dhaqsiyaha badan u bilaabaan.