Wafdi uu hoggaaminayay Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya oo gaaray Kismaayo.

52

Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose waxaa Maanta gaaray wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira, iyada oo sidweyn halkaasi loogu soo dhaweeyay.

Wafdi uu hoggaaminayo Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira, ayaa waxey gaareen maanta Magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ee Dowlad Goboleedka Jubbbaland.

Garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan waxaa ku soodhaweeyay Wafdiga wiilka gaarka ah ee Midowga Afrika Wasiirka Wasaaradda Amniga Jubbaland Gen Yuusuf Xuseen Cismaan (Dhuumaal) iyo Saraakiil kale oo ka tirsan Ciidamada  Jubbaland.

Ujeedka Wakiilka gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya danjire Francisco Madeira uu Kismaayo ku tagey ah kulan uu la qaadan doonaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Madoobe), isaga kala hadli doono wadashaqeynya Ciidamada AMISOM ee Maamulka Jubbaland iyo Arrimo kale.

Wakiilka ayaa sidoo kale, booqasho ku tagi doonaa Saraakiisha Ciidamada AMISOM ee ku sugan Magaalada Kismaayo, isagoo kala hadli doona howlgallada ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab oo Ciidamada AMISOM ka fulinayaan degaannada Jubbaland.