RW Rooble Oo Wasiir Ku Xigeen Cusub U Magacaabay Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta Iyo Daaqa

59

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa u magacaabay Wasiir ku xigeen cusub.

Wareegto uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayuu  Jamaal Xasan Ismaaciil ugu magacaabay Wasiir ku-xigeenka  Wasaaradda  Xannaanada Xoolaha, Dhirta iyo Daaqa ee XFS, isagoo u rajeeyay in uu mas’uuliyaddan Eebbe la garab galo.