R/wasaare Rooble iyo Midowga musharixiinta oo kulan ka yeeshay Doorashada Aqalka Hoose ee BFS.

63

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble maanta kulan kula qaatay Magaalada Muqdisho Xubnaha Midowga Musharixiinta kuwaas oo walaac xoogleh ka muujiyay doorashada aqalka hoose oo ka bilaabatay Muqdisho iyo Dowlad Goboleedyada Galmudug, Koofur Galbeed, iyagoo ku tilmaamay kuraasta qaar oo doorashadoodu dhacday kuwa la boobay.

Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga musharixiinta ayaa waxey kulankooda ugu wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan aqalka hoose ee doorashadeedu bilaabatay, iyo tabashada ay ka qabaan hanaanka doorashada ay ku socoto.

Sidoo kale, Xubnaha Midowga waxey Ra’iisul Wasaaraha la wadaageen sida ay ku socoto doorashada, waxaa ayna ku tilmaameyn mid ku bilaabatay sifo aan sharci ahyn oo dad qaar islamarkaana tartami lahaa laga hor istaagay kuraasta qaar, iyagoo sheegay iney xaq u lahaayen dadkaaasi in ay ku tartamaan kuraasta qaar.

Dhankiisa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa u sheegay Midowga Musharrixiinta in uu ka Shaqeyn doono sidii si hufan ugu dhici laheyd dooraashada Golaha Shacabka maadaama Xukuumaddiisa lagu  aaminay doorasho cadaalad ah oo dalkaan ka dhacda.