Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland oo gaaray Garoowe.

45

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta gaaray Magaalada Garowe ee caasimada Puntland.

Maxamuud Sayid Aadan waxaa garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweyne ku xigeenka Puntland Axmed Cilmi Cismaan (karaasha) iyo masuuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Kadib soodhaweynta waxaa Madaxweynaha ku xigeenka Jubbaland oo gudbiyay aqalka Madaxtootada ee Puntland. Iyadoo kulamo is xog wareysi uu halkaa ugu socdo Madaxda.

Magaalada Garoowe waxaa hore gaaray Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe, kaas oo kulamo ku saabsan arrimaha doorashooyinka la qaatay Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni.