Guddoomiye Mursal oo dib loogu doortay Kursiga Hop-182.

32

Guddoomiyihii waqtiga ka dhacay ee Golaha Shacabka ee BS Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan oo qeyb ka ahaa Musharixiinta maanta ku tartamayay doorashada kursiga tirsigiisu yahay HOP-182 ayaa waxaa kusoo baxay oo markale dib loogu doortay Guddoomiye Mursal oo kursigaas mudadii afarta sano ahayd ee la soo dhaafay ku fadhiyay.

Guddoomiyaha ayaa helay codad gaaraya 88 Cod, kadib doorasho goor_dhow ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Weli waxaa socoto doorashada kursi harsan oo qeyb ka ahaa Seddex kursi oo lagu waday in Magaalada Baydhabo lagu doorto, inkastoo mid uu hakiyay Guddiga doorashooyinka heer federaal, kadib dacwad uu Guddiga u gudbiyay  Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka ee BS oo ku aadan kursiga Hop-103.