Doorashada seddex kursi oo ka mid ah golaha shacabka oo beri lagu qaban doono Baydhabo.

51

Guddiga Doorashada ee Koonfur Galbeed  ayaa shaaciyay qabashada Saddex kursi oo kamid ah kuraasta Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya

Kuraasta doorashadooda la qaban doono ayaa waxaa ka mid ah  , HOP#182 oo uu haatan ku fadhiyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Maxamed Mursal, HOP#170 oo Afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhiyay Iimaan Cabdullaahi Cali iyo HOP#171 oo ay ku fadhisay Fowsiya Maxamed Sheekh.

Shalay ayay aheyd markii Guddiga doorashooyinka ee Koonfur Galbeed ay  soo geba-gabeeyeen diiwaangelinta musharrixiinta Golaha Shacabka.

Cabasho xoog leh ayaa xiligan laga muujinayaa hanaanka ay ku bilowdeen doorashada golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaal;ka Soomaaliya