R/wasaare Rooble oo cambaareeyay qaraxii Muqdisho ee khasaaraha dhimashada uu ka dhashay.

29

Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseen Rooble oo war kazoo saaray qaraxii maanta ka dhacay muqdisho ee khasaaro dhimashada iyo dhaawac uu ka dhashay ayaa cambaareeyay weerarkaasi, isagoo xusay dhimasho iyo dhaawac uu kasoo gaaray dad rayid ah oo ay ku jiraan arday.

Wuxuu yiri Rw Rooble” Waan cambaareynayaa weerarkii ay argagixisada Alshabaab saaka ka geysteen Muqdisho oo dhimasho iyo dhaawac ka soo gaareen dad rayid ah oo ay ku jiraan arday. Waa fal bahalnimo oo caddeyn u ah sida kooxdan qalloocani ugu sii talax tagtay daadinta dhiigga,” birimageydada si aan kala sooc lahayn.

Sidoo kale R/wasaare Rooble ayaa Intii dhimatay Alle ugu barayay in uu naxariisto, Wuxuuna dadka dhaawacyada Allah ugu baryay in uu boogsiiyo.

Waxaa uu yiri” Intii dhimatay Allaha u naxariisto, dhaawacyada Allaha u boogo dhayo, eheladoodana samir iyo iimaan Eebbe ha ugu deeqo.