Ciidamada PSF oo qaaddacay Agaasimaha Cusub ee uu Madaxweyne Deni u magacaabay

62

War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Ciidamada Ammaanka ee loo yaqaa PSF ayaa waxaa looga soo horjeestay Agaasime Cusub oo uu Madaxweynaha Puntland u magacaabay hay’addaasi.

PSF oo ay taageerto Mareykanka ayaa sheegtay in magacaabistaasi ay baal marsantahay shuruucda Ciidanka Iyo dhaqanka Suuban.

Saacado ka hor ayay aheyd markii, Madaxweyne Siciid Deni uu Agaasimaha cusub ee hay’adda PSF u magacaabay S/Guuto Maxamed Amiin Cabdullaahi Xaaji Khayre.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay PSF

Go’aannada aan baraha bulshada ku aragnay oo aysan jirin horudhacyo ka horreeyey oo lagu filan karay, waxay baalmarsanyihiin sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban.

Hoggaanka iyo ciidamada PSF waxay u heelan yihiin la dagaalanka argagixisada, amni darrada iyo guud ahaan wixii amniga Puntland iyo Soomaaliya ba wax u dhimaya.