Doorasho Shan Kamid ah kuraasta Golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad oo maanta ka dhacday Muqdisho .

65

Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu qabtay doorashada shan ka mid ah kuraasta golaha shacabka ee baarlamaanka 11-aad ee dalka. Kuraasta maanta la doortay ayaa golaha shacabka ku meteli doona gobollada waqooyi ee Somaliland.

Doorashada ayaa ka dhacday dugsiga tababarrada ciidanka booliska Soomaaliyeed ee Jeneraal Kaahiye, waxayna ku soo dhamaatay si nabad ah.

Xildhibaanada maanta la doortay ayaa kala ah:

1 –Xildhibaan Maxamed Cabdi Maareeye

2 –Xildhibaan Aamino Cumar Jaamac

3 –Xildhibaan Faadumo Xasan Cali

4 – Xildhibaan Maxamed Haaruun Cabdullahi

5 – Xildhibaan Axmed Cusmaan Diiriye

Horay waxaa Muqdisho loogu doortay laba ka mid ah xildhibaanada golaha shacabka ka soo gala gobollada waqooyi, waxayna tirada guud ee xildhibaanada dooran ee Somaliland noqaneysaa todoba xubnood.