Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ku yaala gobolka Baay

57

Dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab ayaa maanta dagaal kula wareegay deegaanka Daynuunaay oo ka tirsan gobolka Baay.

Goobjoogayaal ayaa KNN u sheegay in Al-shabaab saakay weerar culus ay ku qaadeen Daynuunaay, islamarkaana ay la wareegeen saldhig ciidan oo ku yaala deegaankaasi.

Weerarka ayaa waxaa ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, balse lama ogaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.

Deegaanka Daynuunaay oo qiyaastii 25KM u jira magaalada Baydhaba ayaa waxaa ku yaalla saldhig weyn oo ay ciidamada xoogga ku leeyihiin deegaankaasi.