Booliska Uganda oo xiray Soomaali ah lagu qabtay waxyaabaha qarxa

52

Bamka ayaa laga helay gaari uu watay muwaadin Soomaaliyeed waxaana laga shaki qabaa in lagu qariyay,waxaa uu ka kiraystay nin kale oo Soomaali ah oo ay saaxiibo ahaayeen, si uu qaraabadiisa uga soo qaado huteelka.

Haweeney 20 jir ah ayaa ka mid ah dadka la xiray si ay booliiska uga caawiso baaritaanka.

Laamaha amaanka ee wada jirka ah ee la dagaalanka waxa loogu yeero Argagaxisada ayaa xabsiga dhigay 4-qof oo Soomaali ah kuwaasi oo lagu helay walxaha qarxa xili ay doonayeen in ay galaan Speke Resort Hotel Munyonyo oo ku yaala duleedka magaalada Kampala.

Qalabkan ayaa laga helay gaariga oo lagu qariyay, iyadoo askari boolis ah uu baarayay gaariga noociisu ahaa Toyota xilli uu galayay dhismaha goobta loo dalxiiska tago.

Ruuxa Soomaaliga ah ee laga so kireyay gaarigaasi oo magaciisa lagu sheegay Abudul Kariim Mooyo ayaa isla markiiba la xiray.

Fred Enanga af hayeenka booliska Uganda ayaa sheegay in 4 qof oo Soomaali ah ay u xiraan bamkaas gaariga laga helay ayna suaalo weydiin kusocdaan.