Madaxweyne Qoor Qoor oo furay Shirweynaha Amniga Galmudug

39

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor)  ayaa maanta daahfuray Shirweynaha Amniga Dowlad Goboleedka Galmudug, kaas oo ka qabsoomay Magaalada Dhuusamareeb.

Shirka oo ay kasoo qeyb galeen qaar ka mid ah golaha Wasiirada oo ay ugu horreyso Wasaaradda Amniga, dhamaan saraakiisha ciidamada Qalabka sida, Gudoomiyaha maxkamada sare iyo gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug.

Shirka oo uu madaxweynuhu si rasmi ah u furay, ayaa socon doona muddo 2 maalmood ah, waxaana diiradda lagu saari doona amniga guud ee Galmudug, amniga doorashooyinka iyo arrimaha garsoorka iyo cadaaladda.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa uga mahad celiya saraakiisha Ciidamada kala duwan & kuwa AMISOM sida ay u gutaan waajibaadkooda Shaqo ee ka saaran amniga degaannada Galmudug.

Waxaa uu sheegay in aysan jiri wax ka muhiimsan amniga, wuxuuna qiray in falal amni darro ay ka dhacaan Galmudug,balse muhiimadu ay tahay in wax laga qabto dambi kasta oo ka dhaca, isaga oo u kala qaaday in dambiyada ay yihiin kuwo laga horeti karo iyo kuwo laga daba tegi karo.

Ugu dambeyn Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in dhamaan Hay’adaha Garsoorka ee degaannada Galmudug ay si wanaagsan u Shaqeeyaan, wuxuuna ka dalbaday inay dar dar geliyaan howlaha ay u hayaan Bulshada kunool degaannada Galmudug.

Kulankaan looga hadlayo Amniga Galmudug oo ka furmay Magaalada Dhuusamareeb ayaa kusoo aadaya xilli degaano ka tirsan Galmudug ay ka dhacaan falal amni darro oo qaarkood ay fuliyaan Al-Shabaab iyo Colaad beeleedyo.