Dhimasho & dhaawac ka dhashay qarax ka dhacay Afgooye

34

Degmada Afgooye ee Gobolka Shabeellaha Hoose waxaa  ka dhacay qarax loo adeegsaday miino la dhigay meel u dhow fariisin ay leeyihiin ciidamada amniga.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay, laba kalana way ku dhaawacantay. Dadka dhaawacmay ayaa ku sugnaa xarun caafimaad oo u dhow goobta uu qaraxu ka dhacay.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo ku sugan Afgooye, qaraxa waxa uu ka dhacay xaafadda Xaawo Taako ee degmada Afgooye.

Waa qaraxii labaad oo toddobaad gudihiisa ka dhaca deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Qarax 19-kii bishan ka dhacay magaalada Bardaale ee gobolka Bay ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar qof oo shacab ah, ayada oo 10 kalena ay ku dhaawacmeen.

Qaraxaas ayaa ka dhacay suuqa ay ku yaalaan dukaamo maalmaha jimcaha ay dadka reer miyiga aad uga dukaameystaan, iyo suuq yar oo lagu iibiyo qaadka.