Ra’iisul wasaare Roobe oo ka tacsiyeeyay geeridii Ku timid Wariye C/caziiz Africa .

65

Ra’iisul wasaaraha XFS mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa ka tacsiyeeyay geeridii ku timid agaasimihii Radio Muqdisho, C/caziz Maxamuud Guuleed Afrika oo xalay qarax ismaadaamin ah ku geeriyooday .

Ra’isulwasaaraha XFS mudane maxamed Xuseen Rooble ayaa yiri :” Allaha u naxariisto Agaasimihii Radio Muqdisho Cabdicasiis Maxamuud Guuleed Afrika oo ku geeriyooday qarax caawa argagixisadu la beegsadeen. Waxaan geeridiisa uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, bahweynta saxaafadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed”.

Ra’iisul wasaaraha XFS ayaa ku daray hadalkiisa in uu ahaa Cabdicasiis saxafi howlkar ah iyo halyey qaran oo dalkiisa, dadkiisa iyo diintiisaba ugu soo shaqeeyay si geesinimo iyo hagar la’aan ah.

Naxariistii janno Allaha ugu deeqo annagana samir iyo Iimaan Allaha naga siiyo.
Waxaan dhaawacyada Allaah uga baryayaa in uu deg deg u bosiiyo ayuu sii raac siyaay Maxamed Xuseen Roobe .