R/wasaarihii xukunka laga tuuray ee Sudan oo talada wadankaas dib ugu laabanaya.

48

Militryga talada Suda n la wareegay dhamaadkii bishii October ee sanadkaan ayaa sheegay inay doonayaan inay talada wadankaas  dib ugu soo celiyaan r/wasaarihii la afgambiyay ee Cabdalla Xamduuk

Gudoomiyaha xisbiga ummadda ee dalka Sudan ka jira Fadlullah Burma Naasir ayaa sheegay in sargaalka ugu sareeya ciidamada Sudan C/fitaax Al-Burhaan iyo r/wasaare Cabdalla Xamduuk ay gaareen heshiis xal looga gaarayo dhibaatada dalkaas ka taagan

Heshiiskaan waxaa gundhig u ah in r/wasaare Cabdalla Xamduuk uu dib xafiiska ugu soo laabto shaqadana uu sii wato halka ciidamada ay si guud ugu kormeerayaan.

R/wasaaraha waxaa uu soo dhisi doonaa gole wasiiro cusub waxaana la sii dayn doonaa dhamaan maxaabiista siyaasada u xir xiran sida heshiiska ku qoran.

Sadexdii tobaad ee lasoo dhaafay dibad baxyo rabshado wata ayaa ruxay wadanka Sudan kuwaasoo lagu diidanaa afgambiga ciidamadu talada kula wareegeen.