Jubbaland oo ka hadashay weerar ay Shabaab ku qaadeen Dhoobley

59

Dagaalyahanno ka tirsan ururka Al-Shabaab ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar ku qaaday saldhig ay ciidan ka tirsan maamulka Jubaland ku leeyihiin deegaanka Dhoobleey ee gobolka Jubada hoose.

Afhayeenka wasaaradda amniga gudaha ee Jubaland ayaa BBC-da u xaqiijiyay khasaaraha dhankooda ka soo gaaray weerarka, wuxuuna sheegay in laga dilay hal askari isla markaana uu gubtay baabur ay lahaayeen ciidanka Jubaland.

Al-shabaab, war qoraal ah oo ay soo dhigeen bartooda internet-ka ayaa waxay ku sheegeen inay dileen askar badan isla markaana ay qabsadeen saanado hub ah, inkasta oo Jubaland beenisay sheegashadaasi Shabaab.