Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Maanta Dib Ugu Soo Laabtay Magaalada Muqdisho

31

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo maalmihii lasoo dhaafay safar ugu maqnaa Magaalada Dhuusamareeb ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho.

Ra’iisul Wasaarev Rooble ayaa marka hore Caasimadda Galmudug ee Dhuusamareeb u tegay Arrimo la xiriira doorashooyinka gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka, isagoona halkaas kulamo kala duwan la qaatay Madaxda Maamulka.

Rooble ayaa Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor kala soo hadlay dardar-gelinta howlaha doorashada Golaha Shacabka iyo sidii wax looga qaban lahaa Abaaraha iyo biyo la’aanta ka jirta degaano ka tirsan Maamulka.

Sidoo kale waxaa uu kulamo lasoo qaatay Odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan, isla markaana ka xog-wareystay xaaladda degaanka iyo baahiyaha jira ee u baahan in dowladda Federaalka iyo Maamulka Galmudug ay wax ka qabtaan.

Maanta oo sabti ah ayaa lagu waday Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ee xilgaarsiinta inuu safar ku aado Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland, hayeeshee waxaa uu ka baaqday, isagoona dib ugu soo laabtay Muqdisho.