Madaxweyne Ku-Xigeenka Galmudug Oo Farriin U Diray Guddiga Doorashada

77

Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Galmudug Cali Daahir Ciid oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho ayaa Maanta oo sabti ah dib ugu laabtay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Maamulka Galmudug.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug ayaa ka hadlay doorashada ka dhaceysa degaanada Maamulkaas gaar ahaan doorashada Golaha Shacabka oo ay Galmudug soo saartay shanta kursi ee ugu horreeysa doorashada Golaha Shacabka.

Cali Daahir ayaa Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka ugu baaqay ina la dedejiyo doorashada, isla markaana ay noqoto mid ku dhacda Cadaalad, lana soo dhaweeyo Musharaxiinta tartameysa ee Magaalada tegaya.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka ayaa xubnaha Golaha Wasiirada iyo Xildhibaanada Maamulka ka dalbaday inay ka qeyb qaatan soo dhaweynta wufuuda kala duwan ee gaaraya Magaalada Dhuusamareeb, wuxuuna xusay in amniga Magaalada uu yahay mid wanaagsan.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa maalin kahor shaaciyay shanta kursi ee ugu horreeysa doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor uu sheegay in doorashada kuraasta loo qaban doono si dhaqsi ah.