DFS iyo QM oo si wadajir ah walaac ugu muujiyay abaaraha ka jira Dalka.

65

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay oo war saxaafadeed wadajir ah kasoo saaray xaaladaha abaar ee ka jira Qeybo badan oo ka tirsan Gobolada Dalka Soomaaliya ayaa waxey walaac ka muujiyeen abaarta daran ee ku dhufatay dadka iyo duunyada, kuwaas oo la dhibaatoonaya xiligaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha Samafalka Qaramada Midoobay ayaa ka deyriyay xaaladda abaaraha sii kordhaya ee ka jira guud ahaan Soomaaliya.

War-saxaafadeed ayey ku sheegeen in ay ka walaacsan yihiin abaaraha sida xawliga  ah uga sii daraya ee dalka ka jira.

Qiyaastii 2.3 Malyan ayaa wajahaya biya la’aan iyo cunta yari ba’an iyadoo ay gureen ceelashii iyo biyihii kaydka ahaa sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.