Lafta gareen iyo Sheekh Shariif oo ka wada hadlay arrimaha doorashooyinka dalka.

53

Madaxweynaha Dowad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa Muqdisho kulan kula qaatay Madaxweynihii hore Dalka ahna Guddoomiyaha Midowga Musharixiinta Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Kulanka Madaxda oo qaatay Saacado ayaa waxaa ay iska xog waraysteen Xaalada Dalka Hormarka laga gaaray Arimaha Doorashooyinka iyo sida hore loogu socon lahaa.

Guddoomiye Shariif Sheekh Axmed ayaa Madaxweyne Cabdicasiis Lafta gareen ku bogaadiyey dadaalka uu ugu jiro sidii dalka ay uga dhici lahayd doorasho wada ogol ah horena loogu socon lahaa.