RW Rooble & Madaxweynayaasha Jubbaland & Puntland oo kulan gaar ah yeelanaya

61

Magaalada Garoowe ee Caasimadda Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa la filayaa inay kulan gaar ah ku yeeshaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble & Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa la filayaa in Maalinta Berito oo Sabti ah in uu safar ku tago magaalada Garoowe, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay kulamo gooni gooni ah ku lahaayeen Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ee Axmed Maxamed Islaam & Saciid Cabdullaahi Deni.

Wararka la helayo ayaa sheegaya in qorshuhu ahaa in Madaxweynaha Jubbaland uu Maanta dib ugu laabto Magaalada Kismaayo, hayeeshee Ra’iisul Wasaaraha uu ka codsaday in uu sugo inta uu ka imaanayo si ay kulan u wada yeeshaan.

Ra’iisul Wasaaraha iyo Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ayaa kulankooda waxaa ay uga hadli doonaan Arrimo ku saabsan doorashada Golaha Shacabka iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha hortaagan.

Wararka ay heleyso Risaala ayaa sheegaya in Madaxweynayaasha Jubbaland iyo Puntland ay Ra’iisul Wasaare Rooble u gudbin doonaan dalab ku aadan inay doonayaan in hal degaan laga dhigo doorashada Golaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa dhawaan socdal ku tegay Magaalada Dhuusamareeb, waxaana Madaxweynaha Galmudug uu ku qanciyay in la qabto doorashada 5-ta kursi ee Golaha Shacabka, kuwaas oo degaan doorashadoodu tahay Galmudug.