Wasiirka Amniga oo ka hadlay Amniga Muqdisho

46

Wasiirka Amniga Soomaaliya, Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa sheegay in aan loo dulqaadan doonin dadka magaalada ku dhex wata hubka aan sharciyeysneyn, isla markaasna lala xisaabtami doono.

Wasiirka oo ka qeyb galay Barnaamij ka baxay warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in ay jiraan caqabado dhanka amniga balse wax laga qaban doono ayna socdan qorshooyin lagu tayeynayo Ciidammada booliska ee ka howlgalla muqdisho si ay u xoojiyan amniga caasimadda maadaama lagu guda jiro xilli dooraho.

Wasiirka ayaa sheegay in amni darada maalmihii u dambeysay ka jirtay Muqdisho loo soo qabtay dad u badan dhalinyaro kuwaasi oo ku howlanaa falal dhac IWM.

“ Waxaan rabaa inaan Shacabka Soomaliyeed u xaqiijiyo in uu jiro qorsho amni oo aan u dejinay dalka gaar ahaan Muqdisho, mana aqbaleyno in hub sharci darro ah lagu qaato Magaalada Muqdisho, laamaha amnigana waa ainay tallaabo ka qaadaan ayuu yiri” Wasiir Cabdullaahi Maxamed Nuur.

Magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa ka dhacayay falal amniga Lid ku ah, iyadoo lagu dilay tobbonaan ruux oo isugu jira dad shacab ah iyo dad u shaqeeya Dowladda.