RW Rooble oo Dhuusamareeb kula kulmay Saraakiil Ciidan

1

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadsa xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble oo ku sugan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug ayaa kulan la qaatay Taliyaha guutada 5-aad qeybta 27-aad ee Ciidanka xoogga dalka Korneyl Maxamuud Xasan Ibraahim Baakay.

kulanka oo sidoo kale uu qeyb ka ahaa Taliye Xuseen Axmed oo kamid ah saraakiisha guutada 5-aad, waxaana kulankooda ay uga wada hadleen amniga iyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ra’iisul Wasaare Roobe ayaa ku boggaadiyay saraakiisha oo howlaha shaqo ay haayaan iyo sidii ay uga qeyb qaateen howlgalkii Guriceel looga saaray dhaq-dhaqaaqa Ahlusuna ee dagaalka la galay maamulka Galmudug.

Saraakiisha iyo ciidamada guutada 5-aad ayaa uga mahad celiyay Ra’iisul Wasaare Rooble dhiiragelinta uu u sameeyay, iyaga oo sheegay inay dardar gelin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.