Wasaaradda waxbarashada oo joojisay in goobaha waxbarashada ay ka amar qaataan gobolka Banaadir

4

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada ayaa amray iskuullada dawladda ee ku yaala Gobolka Banaadir ineysan ka amar qaadan Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir, xilli horey loogu wareejiyay Gobolka Banaadir.

Agaasimaha Guud ayaa sidoo kale xusay in dhammaan macalimiinta iskuulada dowladda ay waxbarashadooda bixiso wasaaradda waxbarashada dalka, islamarkaana uusan bixin maamulka gobolka Banaadir.

Khilaafka u dhaxeeya maamulka gobolka Banaadir iyo Wasaaradda waxbarashada ayaa xogeystay ka dib markii Wasaaradda ay sheegtay in goobaha waxbarashada ay cabasho ka keeneen maamulka gobolka Banaadir.