Maamulka G/Banaadir Oo Cod Aqlabiyad Ah Ku Ansixiyay Heshiis Ay La Galeen Dowladda Hoose Ee Turkiya

7

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa maanta cod Aqlabiyad ah ku ansixiyay in Dowladda Hoose ee Xamar heshiis saaxibtinimo oo mataaneyn ah la gasho Dowladda Hoose Konyo ee dalka Turkiya, taasi oo la filayo in dhawaan Maayarada labada Magaalo ay heshiiskaasi kala saxiixdaan.Mataaneyntaan Dhex mari doonta Dowladda Hoose ee Xamar iyo Dowladda Hoose ee Konyo ayaa waxa ay labada Magaalo iska kaashan doonaan dhinacyada Maareynta Qashinka, Tayeynta Shaqaalaha, Maareynta Bulaacadaha, Qorsheynta Magaalada iyo Qodobo kale oo Muhiim u ah Labada Dowlad Hoose.